Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/qaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa dowladda Shiinaha uga mahadceliyey deeqda Qalabka caafimaad ee ka hortagga Cudurka Coronavirus oo dalalka Afrika loogu talogalay.
Wasiiru dowlaha ahaa ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Shiinaha Soomaaliya, Mudane Qin Jian, waxaana looga hadlay kulanka xiriirka labada dal iyo dagaalka lagula jiro ka-hortagga faafidda caabuqa dilaaga ah ee “Corona virus”, isagoo uga mahadceliyey Qalabka caafimaad ee ay ku deeqeen hay’adaha Jack Ma iyo Alibaba oo wadamada qaaradda Afrika loo qeybinayo
Hey’adaha Jack Maiyo Alibaba ayaa ku deeqay 100,000 maaskaro, 1,000 dharka kahortagga iyo walxo kale oo la gaarsiinayo dowlad kasta oo ka mid ah 54 dowladood ee Afrika, si la mid ah waxaa wadamadaasi loogu tabarucay 20,000 oo xirmooyinka qalabka baaridda-caafimaad ee cudurkani lagu sameeyo. Agabka oo ka kooban 6 milyan oo maaskaro ah, 1.1 milyan oo xirmo baaris-caafimaad, 60,000 isku-joog dharka kahortagga ah , 60,000 oo maaskaro kahortag leh iyo walxo kale ayaa waxaa shalay la gaarsiiyay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyadoo isla beri oo ah Isniin (23 Maarso) looga kala daabuli doono agabkaasi wadamada Afrika sida la qorsheeyay.