Tuesday, December 3, 2024

Dowlada Somalia oo ku Amartay Diyaaradaha ku sii jeeda Kismaayo in lagu hubiyo Muqdisho [Tallaabadii koowaad]

Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in Diyaaradaha ku sii jeeda ama ka yimaad yimaada Garoonka Diyaaradaha  magaalada Kismaayo lagu hubiyo Garoonka magaalada Muqdisho ee Aden Cadde.

Go’aankan ayaa ku amraya diyaaradaha ku dega magaalada Kismaayo oo intooda badan ka yimaada dalka Kenya inay marka ay ku sii jeedaan magaalada Kimaayo ay ka imaanayaan ay waajib ku tahay inay maraan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee caasimadda Muqdisho, waxaana go’aankan la gaarsiiyey dhammaan shirkadaha iyo diyaaradaha ka yimaada dalka Kenya.

Tallaabadan ayaa ah tii koowaad ee dowladda Somalia ay ku go’doomineyso madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kasoo ay doorashadiisa ka dhigtay sharci darro xukuumadda Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan inaan la ogeyn sida uu ku dhaqan gelayo haddiiba diyaradaha qaar ay u hoggaansami waayaan.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON