Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyay inuu kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaanka ugu sarreeya Jabhadda Xoreynta Ogaden ee ONLF, balse wuxuu ka gaabsaday raaligelin uu bixiyey Farmaajo.
Isagoo ku sugan magaalada Asmara, qeybna ka ah weftiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayuu wasiir Geelle sheegay in kulanka uu ahaa mid aanan hore loosii qorsheynin, wuxuuna yiri “Ugu horeyn madaxweynaha waxa uu kulan la qaatay hoggaanka saree ee ONLF, kaas oo ahaa mid aan horey loosii qorsheynin, markii aan halkan nimid ayay noo yimaadeen, waa la kulmay, aad iyo aad ayaa loosoo dhaweeyay, kulanka qeybtiisa hore mid furan ayuu ahaa anagana waan ka qeybgalnay, qeybta kale madaxweynaha ayay isku hareen, waxaana laga wada hadlay guud ahaan arrimaha Geeska Afrika”.
Hadalka wasiirka ayaa soo baxay xilli warbaahinta Soomaalida ay aad u tabisay war ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka bixiyay dhiibistii dowladda Soomaaliya ay tan Itoobiya u dhiibtay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sargaal sare oo ONLF ka tirsan, markii dambena dowladda Itoobiya ay xabsiga kasoo daysay.
Wasiirka ma uusan xaqiijinin arrinkaas, balse waxa uu qiray in arrimaha Qalbi Dhagax la’isla soo hadal qaaday.
Waxaa kale oo uu ka hadlay arrimaha ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo hoggaanka saree ee ONLF “Waxaa si gaar ah looga wada hadlay dabeysha nabadeed ee gobolka ka socota, dowladda Itoobiya qaabka ay wadahadallada ula galayaan waa wax ay iyaga u madax banaanyihiin, balse dowladda Soomaaliya waxa ay xiisaynaysaa in gobolka uu noqdo mid amni ah”.
Guddoomiyaha jabhadda ONLF Maxamed Cumar Cusmaan ayaa idaacada VOA u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu raaligalin ka siiyay falkii lagu dhiibay Cabdikariim Qalbi Dhagax.
Wasiir Daahir Geelle oo aan wax ka weeydiinay waxa kulanka xilligan kusoo beegay, iyo in ay Itoobiya uga daydeen, ayaa beeniyay arrinkaas, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu ka hor yimid go’aankii xukuumadda federaalka ay ururka ONLF ugu dartay liiska argagixisada, go’aankaasna uu aad uga horreeyay xilligii ay isbadallada ka dhaceen Itoobiya, baarlamaanka Itoobiyana uu liiska argagixisada ka saaray ONLF.
Kani waxa uu noqanayaa kulankii ugu horreeyay oo rasmi ah oo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Jabhadda ONLF oo muddo aad u dheer dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya tan iyo intii sannadkii hore go’aan ay soo saareen golaha xukuumadda federaalka ay jabhadan ku tilmaameen urur Argagixiso, islamarkaasna taageereen in Cabdikariim Qalbi Dhagax loo dhiibo dowladda Itoobiya, iyada oo wasiirkii warfaafinta xilligaas Cabdiraxmaan Yariisoow uu sheegay in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa ururka Alshabaab.