Saturday, February 15, 2025

Dowlada Somalia oo Heshiis la saxiixatay Shirkadaha ugu waaweyn Shidaalka ee USA & Yurub.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay laba ka mida shirkadaha ugu waaweyn ee shidaalka dunida, kuwaasoo dib ugu soo laabanaya Soomaaliya si ay u bilaabaan howlihii sahminta shidaalka.

Heshiiskan waxaa lagu saxiixay magaalada Hague ee dalka Holland, iyadoo wasiirka Macdabta iyo Batroolka xukuumadda Somalia C/rashiid Maxamed uu la galay Shirkadaha Royal Ducht Shell iyo Exxon Mobil, sida uu shaaciyey wasiir ku xigeenka wasaaradaasi.

Heshiiska Dowladda Somalia iyo shirkadahan ayaa dhigaya inay dib ugu soo laabtan Somalia, kana bilaabaan sahminta shidaalka, kadib 30 sano oo ay ka maqnayeen xaalad lagu tilmaamay mid ay qasab ku noqotay inay ka baxaan, kadib dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay 1991.

Ad

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin heshiiska ka hdaxay magaalada Hague ee dalka Holland oo ah xarunta Shirkada Shell, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Macdanta iyo Petroolka Somalia iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Betroolka Somalia.

Shirkadda Shell oo loo yaqaan Royal Dutch Shell waxaa wada leh Ingiriiska iyo Natherland, waana shirkadda shanaad ee ugu weyn dhinaca shidaalka dunida oo dhan dhinaca shidaalka iyo Gaas-ka. Dhinaca kale shirkadda Exxon Mobil ayaa ah shirkad Mareykan ah oo fadhigeedu yahay Texas, waana laba shirkadood oo isu tegay, waxayna noqotay shirkadda ugu weyn ee Gaaska iyo Shidaalka dunida.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan, wuxuuna intaas ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhammaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON