Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay imtixaankii Shahaadigii Dugsiyada sare ee sanad-dugsiyeedka 2018-2010, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre.
Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo muddo saddex maalmood ah uu socday imtixaanka, ayna arday ka badan 30-kun oo qof galeen maadooyin fara badan, waxaana dhacday in imtixaanka suuqa laga helay, laguna faafiyey baraha bulshada, taasoo fadeexad iyo weji gabax ku abuurtay Wasaaradda Waxbarashada.
Gio’aanka Wasiirka Waxbarashada Goodax ayaa lagu sheegay in imtixaanka cusub ee shahaadiga Dugsiyada Sare ee Dalka la qaadi doono laba bilaabo 27-31 Bisha May 2019. Wasiirka ayaa sheegay in goob ka mida meelihii imtixaanka lagu qaadayey ay go’aansatay inay fashilsay, wuxuu ku eedeeyay waalidiin iibsaday imtixaanka iyo qaar kale oo iibsaday.
Lama oga in tallaabo laga qaadi doono mas’uuliyiinta dibadda u bixiyey imtixaankii dowladda iyo ama haddii ay is-casili doonaan, laakiin imtixaanadii hore ayaa sidan la heli jiray maadooyinka qaarkood, wuxuuse imtixaankan uga duwanaa inay si weyn loo faafiyey imtixaankii oo dhan, ayna ka faa’iideysteen kooxo ka horjeeda wasiirka iyo xukuumadda.
HOOS KA DAAWO