Dowladda Soomaaliya oo sii xoojineysa xayiraadda ay saartay garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa amar cusub kusoo rogtay diyaaradaha tegaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.
Hay’adda Duulista Rayidka dowladda Soomaalia ee SCAA ayaa Amar kusoo rogtay Diyaaraddaha Aadaya Garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Kismaayo, waxaana laag dalbaday Diyaaraddaha u duulaya Garoonka magaalada Kismaayo inay fasax duulimaad weydiistaan Xafiiska Hay’adda Socdaalka ka hor 24 saacadood inta aysan u duulin magaalad Kismaayo, waxaana amarkan loo kala diray Shirkadaha diyaradaha ee taga Kismaayo.
Amarka Cusub ayaa sii xoojinaya go’aan hore loo Diyaaradaha tegaya magaalada Kismaayo ay qabsan ku ahayd inay soo maraan Garoonka Muqdisho, waxayna arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo loo diyaar garoobayo Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ee dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn dib u doorashadiisa.
Tallaabdan ayaa u muuqata mid ay dooneyso dowladda Federaalka inay ku carqaladeyso xafladda caleemo-saarka Axmed Madoobe oo aakhirka bishan lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.