Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War ka soo saartay Diyaaradii ku dhacday degmada Bardaale ee Gobolka Bay oo ay ku dhinteen 6 Ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso sababta keentay in Diyaaradda oo sidday shixnad daawo ah, waxaana ay faahfaahin ka bixisay nooca diyaaradda, shirkadda lahayd iyo socdaalkeeda.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya shilka qabsaday diyaaradda.oo ku dhacday Garoonka Berdaale daqiiqado ka hor markii ay ku degi lahayd iyadoo mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda ay sheegeen in Gantaal looga soo riday dhulka uu haleelay.
Burburka diyaaradda ayaa muujinaya in diyaaradda uu dab xoog leh qabsaday, waxaana farta lagu fiiqayaa ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan garoonka Berdaale, iyadoo baaritaanka shilkan uu saameyn ku leeyahay dowladaha Kenya iyo Itoobiya.
