Wednesday, October 16, 2024

Dowladda Somali oo Golaha Ammaanka u gudbisay Dacwad ka dhan ah Imaaraaadka & Saldhiga Milateri ee Berbera [Akhriso]

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta oo ku saabsan saldhig milateri oo Imaaraadku ka dhisayo magaalada Berbera u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Q/Midoobay Abuukar Cabdi Cismaan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in tallaabada Imaaraadku qaaday ay halis ku tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana amniga gobolka dhibaato ku keeneyso.

Waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay golaha ammaanka ah ee Q/Midoobay inuu qaado tallaabooyin wax looga qabanayo xad-gudub ay ku sheegtay inay Imaaradka Carabta ku sameeyeen shuruucda caalamiga ah, madaxbannaanida Soomaaliya iyo cuna-qabateyntii hubka ee saarnedy Soomaaliya. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa soo koobaya warbixintaasi.

Ad

Tallaabadan ayaa tii labaad ee dowladda Soomaaliya u qaado inay dowladda Imaaraadka ka dacweyso ururrada caalamka, iyadoo hore qoraal ku saabsan shirkadda DP World u geysay Jaamacadda Carabta.

Arrintan ayaa lagu tilmaami karaa inay tahay go’aankii ugu adkaa ee dowladda Soomaaliya ka qaadato Imaaraadka Carabta oo faragelin weyn ku haya dalka Soomaaliya.

AKHRISO QORAALKA 

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON