Wakaalada wararka Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay in la joojiyey dadka dalkaasi u tegaya Cumrada iyo booqashada Masjidka Nebiga NNKH ilaa mar dambe.
Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaalka loogu jiro in looga hortago faafista cudurka CoronaVirus oo in ka badan 42 dal oo dunida ah ku faafay, waxaana go’aankan oo ah mid KMG ah la sheegay in si joogto ah dib loogu eegi doono oo marba dib loo cusbooneysiin doono.
Waxaa kaloo Sacuudiga uu joojiyey in dalkiisa loo tago dalxiis iyo bixinta Viisooyin dalxiis ah, gaar ahaan dalalka uu cudurka Coronavirus ku faafay, waxaa kaloo xayiraad lagu soo rogay dadka kaso jeeda dalalka Khaliijka ee tegaya marka laga reebo Sacuudiyaanka dalkooda ku soo laabanaya.
Cudurka COVID-19 oo uu sababo Coronavirus ayaa hadda ku fiday 40 dal, waxayna dadka qaba sare u dhaafeen 80-kun oo qof. Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo inuu cudurkan dunida ku faafo, wuxuuna durba saameyn ku yeeshay isu-socodka iyo dhaqaalaha dunida.