Dawladda Boqorttoyada Sacuudigaa ayaa ceryisay safiirkii dalka Canada u fadhiyey dalkeeda iyadoo ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay dalka Canada.
Arrintan ayaa timid kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay dalka Canada inuu faragalin ku sameeyay arrimaheeda gudaha Sacuudiga. Waxayna Sacuudiga u yeertay safiirkii u joogay dalka Canada
Arrinta Sacuudiga ka careysiisay ayaa ah kadib markii ay Canada sheegtay “in ay aad uga walaacsan tahay” xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda ee haweenka dalkaasi ugu horeeyaan.

Dadka lagu xiray Sacuudiga waxaa ka mida Haweeneyda Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka. Samar ayaa ku baaqaysay in la soo af jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.
Xiritaankan ayaa yimid iyadoo amiiirka dhaxalka leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman uu sannadkan sameeyay isbadallo. Dawladda Canada ilaa iyo hadda kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday.