Dowladda Sacuudiga ayaa maanta shaacisay in Sanduuqeeda Horumarinta uu lacag dhan 5 Bilyan oo Dollar ku shubayo Bankiga Dhexe ee dalka Turkey, si loo taageero awoodda dhaqaale ee dalkaasi oo la tacaalaya sicir-barar iyo waxyeelada Dhul-gariirkii dhowaan ka dhacay.
Heshiiska a kala saxiixdeen Sacuudiga iyo Turkiga auu sheegay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Turkiye Sahap Kavcioglu in Sacuudiga uu sameynao lacag ku shubistan muhiimka ah ee gaaeysa 5 bilyan dollar.
Arrintan waxay ka caawin doona inay la dagaalanto sicir-bararka, iyadoo xoojin doonta keydkiisa lacagaha Qalaad oo si weyn hoos ugu dhacay, waxaana amarka bixiyay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan.
Xiriirka Turkiye iyo Sacuudiga ayaa soo hagaagay kadib booqasooyin ay is dhaafsadeen Dhaxal-sugaha Sacuudiga iyo madaxweynaha Turkiye, kadib markii xiriirkooda uu soo gaaray heerkii ugu hooseeyay 2018-kii oo istanbul lagu dilay saxafigii Sacuudiga Jamal Khashoqji.
Dalka Turkiye oo hore ula tacaalasay sicir-barar iyo lacagta dalka oo qiimo dhacday ayaa waxaa bishii Febraayo ka dhacay dhul-gariir cabirkiisu yahay 7.8, kaasi oo dalkaas iyo dalka deriska la ah ee Syria ku dilay in ka badan 50,000 oo qof.