Dowlada Qatar ayaa shaacisey socdaal Berri 5 March 2022 uuku tegayo Magaalada Doha ee dalkaasi Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Warkan oo ay qortay Wakaalada Wararka ee Qatar ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maalinta berri oo Sabti ah booqasho shaqo ku tagi doono magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
“Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maalinta Axadda ah Amiri Diwan ku qaabili doona walaalkii Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ka wadahadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa, iyadoo ay u dheer tahay arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud”. ayaa lagu yiri warka Wakaalada Wararka dalka Qatar.
Socdaalkan ayaanay weli ka hadlin madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo si hordhac ahaan ah ay u shaacisay dowladda Qatar, taasoo aan hore u dhcii jirin.
