Safiirka cusub ee Dowladda Masar usoo magacawday Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo laga guddoomay waraaqihiisii Aqoonsiga.
Wasiirka Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Maxamed Alsaciid Axmed Albaasoo ah safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Masar ay u soo magacawday Soomaaliya.
Danjire Maxamed Alsaciid Axmed ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, isaga ka warbixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dal.
Wasiirka Cabdisaciid Muuse ayaa Danjiraha Cusub ee Masar ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.
