Sunday, January 26, 2025

Dowladda Mareykanka oo Israa’iil darteed uga baxday Gole Caalami ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay

Dowladda Maraykanka ayaa  mar kale qaadtay go’aan ay uga baxeyso Golaha caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo ku tilmaamay, taasoo ay ugu wacan tahay in Golaha uu cambaareyay tacadiyada Yuhuuuddu kula kacdo dadka reer Falsatiin.

Golaha Xuquuqda Insaanka ee Q/Midoobay ayaa lagu tilmaamay inuusan ahayn dhexdhexaad, waxayna haweeneyda Mareykanka u fadhida Q/Midoobay Nikki Haley oo ku tilmaantay nuu yahay Gole munaafaq ah oo danahiisa uun eegta, kuna jeesjeesa xuquuqda aadanaha, isagoo ka eexda israa’iil.

Golahan waxaa la sameeyey sannadkii 2006-dii waxaana lagu dhaleeceeyaa in ay xubno ka yihiin dalal heerka ay xuquuqal insaanka ka taagan meel hoose, laakiin arrinta ugu weyn ayaa ahayd in Mareykanka uu difaacayo Israa’iil.

Ad

Arrintan ayaa qeyb ka ah go’doonka uu sii galayo Maraykanka isagoo hore uga baxay Hay’adda UNESCO, iyo heshiiskii caalamiga ahaa ee Cimilada, wuxuuna dagaal ganacsi kula jiraa Midowga Yurub, China, Canada iyo Mexico.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON