Saturday, March 15, 2025

Dowladda Mareykanka oo Amar ku bixisay Baaritaan cusub weerarkii Alshabaab ee saldhiga Manda Bay, Kenya

Dowladda cusub ee Mareykanka oo uu madaxweynaha ka yahay Joe Biden ayaa amartay baaritaan dheeraad ah oo lagu sameeyo weerarkii Alshabaab ku qaaday Saldhigga ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Kenya ee Manda Bay.

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo baaritaanka weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ay ku qaaday saldhigga ciidanka milatariga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay sadex qof oo Mareykan ah.

Qoraal ka soo baxay Pentagon-ka ayaa lagu shaaciyay go’aanka xoghayaha difaaca, hase yeeshee xogheysntiisa warfaafinta John Kirby ma aanu caddeyn waxyaabaha uu Austin u arko inay ka maqanyihiin nuxurka baaritaankii horudhaca ahaa.

Ad

“Dib-u-eegis madaxbannaan iyo qiimeeyn guud ayaa bixin doonta macluumaad iyo tusaalooyin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdan nadinta leh” ayuu yiri Kirby.

Xoghaye Austin oo sidoo kale daah-furay dib u eegis ballaaran oo lagu sameynayo muqaalka guud ee ciidamada Mareykanka ayaa safar ku maraya qaaradda Yurub, halkaas oo uu kulamo gooni-gooni ah kula qaadan doono taliska ciidamada Mareykanka ee Yurub.

“Dib-u-eegistan waxaa soo dhoweeyay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee USAFRICOM iyagoo sii wadaya inay ka shaqeeyaan guud ahaan qaaradda Afrika si ay u horumariyaan amniga una hirgeliyaan casharradii laga bartay weerarkan” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka xoghaye Austin.

- Advertisement -

Baaritaankan waxaa loo xilsaaray inuu hoggaamiyo General Paul Funky oo ah taliyaha guud ee tababarka ciidanka Mareykanka.

Ka sokow dhimashada sadexda sarkaal, waxaa sidoo kale weerarkan lagu dhaawacay sadex kale, iyadoo lagu bur-buriyay lix diyaaradood.

Saldhiggan oo ku yaal dhul xeebeedka loo dalxiiska tago ee Kenya ayaa waxaa soo weeraray 30-40 maleeshiyada gacansaarka la leh Alqaacida ee Al-shabaab 5-tii Janaayo 2020, wuxuna ahaa weerarkii ugu horreeyay ee Al-shabaab ku beegsato ciidanka Mareykanka ee ku sugan waddanka Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON