Friday, December 8, 2023

Dowladda Kenya oo shaacisay Magacyada Xubno Alshabaab ah oo Dalkaasi laga raadinayo

Hay’adda Denbi Baarista dalka Kenya ayaa shaacisay magacyada shan nin oo lagu eedeeyay inay xubno ka yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo ay loo raadinayo denbiyo argagixiso oo ay galeen.

Shanta Nin ayaa loo heystaa weerarro ka dhacay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya iyo degaano kale, waxaana xogtooda ku daba jiray Booliska iyo sirdonka dalka Kenya.

Waxaa Wabaahinta iyo Baraha Bulshada Kenya, siiba aanta Dambi Baarista Kenya ay faafisay magacyada ragga la tuhunsan yahay ee la raadinayo oo kala ah:

Ad
  • Ramadhan Hamisi
  • Issa Abdalla Ahmed
  • Ahmed Omar Said
  • Maalim Yussuf Hassan Abdullahi
  • Maalim Abbas

Kooxda Al shabaab yaa horay loogu eedeeyay in ay weerarro ka fuliyeen deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Xeebaha Kenya, kuwaasoo lagu beegsaday dad rayid ah, ciidamada amniga iyo xarumaha dowladda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON