Friday, March 14, 2025

Dowladda Kenya oo la wareegtay 20 KM oo ka mida Gobolka Gedo & dadkii oo barakacaya

Dowladda Kenya ayaa la wareegtay dhul ka mida xuduud beenaadka ay Soomaaliya la leedahay kadib markii ay amar ku bixisay in Soomaalida degan degaankaasi ay ka qaxaan.

Dhul u dhow Ceelwaaq oo saaran xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayay dowladda Kenya sheegtay inaan lagu arki karin dad, waxaana loo aqoonsanayaa dadka ku sugan degaankaasi inay Alshabaab yihiin, iyadoo la duqeyn doonto, lagana qaadi doono tallaabo milateri oo naftooda ay halis geli doonto.

Boqolaal qoysas Soomaaliyeed ayaa ka qaxaya dhul u dhow xuduudka oo balaciisu gaarayo 20 KM, xaaladan oo dhalisay xaalad adag iyo barakac ka socda deeganada u dhaw dhaw magaalada Ceel-waaq.

Ad

Gudoomiye Kuxigeenka dagmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo Sahal Macalin Aadan ayaa VOA u sheegay inaysan jirin cid arrintan gacan ka siisay oo dadkii degaanadaasi ku noolaa ay xaalad adag heysato, iyadoo dowladda Kenya ay bara kicineyso.

Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay qeyb ka tahay qorshe Kenya ku dooneyso inay ku xalaaleysato dhul cusub oo Soomaaliya leedahay iyo dhismaha Derbiga ay ka dhiseyso xuduudka.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON