Dowladda Kenya ayaa diyaarado gaara u fasaxday inay tagaan Somaliland, iyadoo ay jirto xayiraadda duulimaadka ee ay saaray Soomaaliya.
Diyaaradaha loo fasaxay inay tagaan Somaliland ayaa ah laba diyaaradood oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation, waxaana loo ogolaaday inay shixnad alaab ah ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta iyagoo sii maraya dalka Jabuuti iyo kuna sii jeeda caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Labadan diyaaradood ee kala a: MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F oo ka diiwaangashan dalka Kenya, ayaa la siiyey fsaxa ah inay keenaan shixnadi geeyaan magaalada Hargeysa inta u dhexeysa 13-ka ilaa 15-ka bishan May 2021, waxaana suuragal ah in fasaxa loo dheereeyo.
Arrintan waxaa ka shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya iyo xafiiska Somaliland e Kenya, iyadoo agabka diyaaradaha la fasaxay qaadayaan uu yahay mid loogu talogaolay doorashada dhowaan ka dhici doonta Somaliland.
Kenya ayaa muddo dheer raadineysay xiriir gaara oo ay la yeelato Somaliland oo ah Gobol Soomaaliya ka go’ay oo sheegta inuu madax bannaan yahay, inkastoo aanu dalna aqoonsan, waxaana Bishii Disembar 2020 booqday Kenya madaxweynaha Somaliland, taasoo ka careysiisay dowladda Federaalka Soomaaliya oo markaas xiriirka diblomaasi u jartay Kenya.
