Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo kale oo ay dooneyso inay uga hortagto Go’aan kasoo baxa Maxkamadda Cadaaladda Adduubka ee ICJ oo ku saabsan Xuduudka Badda Somalia ee ay muranka gelisay, waxayna qoraal ka kooban 8 Bog oo dacwad ah u qoray Golaha Amniga & Nabadgelyada ee Midowga Afrika.
Qoraalka Kenya oo si weyn loogu faahfaahiyey dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya ayey Kenya adeegsaday arrimo badan oo qaarkood ay been abuur yihiin qaar kalena lagu doonayo in Kiiska Badda laga soo wareejiyo Maxkamadda Caalamiga ah, waxayna Dacwadda Badda ka dhigtay mid amni oo halis ku ah nabadda Gobolka oo dhan, Bariga Afrka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, isla markaana goaanka maxkamadda uu awood siinayo argagixisada.
Kenya waxay ku dooday in Somalia ay si iskeed ah ay muranka Badda u geystay Maxkamadda caalamiga ah ee dunida xilli ay furneyd in labada dal ay wadahadal ka yeeshaan, ama lagu xaliyo ururrada goboleed ee Midowga Afrika oo sheegtay inay tahay arrintan inuu soo dhex galo maadaama ay taabaneyso amniga iyo nabadda badweyne India, Geeska Afria iyo qaarada oo dhan.
Qoraalka dowladda Kenya u dirtay Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika waxay ka digeysaa amni darrro baahsan oo ay dhaliso arrinta dacwadda badda ee Somalia ay geysay Maxkamadda ICJ, waxayna dalbaneysaa inuu soo dhex galo arrintan si looga baaqsadao in amniga Geeska Afrika. Badweynta Hindiya iyo Qaaradda Afrika uu gacanta ka baxo, saameyn xoog lehna ku yeesho ciidamada AMISOM ee jooga Somalia.
Arrimaha la yaabka leh ee qoralka Keny ku jira waxaa ka mida in Baarlamaanka Somalia uu fatwo kasoo saaray muranka Badda ee Kenya kula jirto Somalia