Dalka Germany oo ka mida dalalka Yurub ugu waaweyn ayaa shaacisay in la fashiliyay afgembi ay koox Caddaan dhinaca Midigta ah doonayeen inay ka ridaan, taasoo lama filaan noqotay.
Booliska Jarmalka ayaa fuliyey howlgallo ka dhacay dalkaasi oo dhan, iyagoo xiray dad ka badan 25 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin “koox argagixiso xagjir caddaan ah” ee midigta-fog, kuwaas oo qorsheynayey inay afgambiyaan dowladda, ayna weerar ku qaadaan xarumaha dowladda.
Waxa la sheegay in ilaa 3,000, oo saraakiil oo ay ku jireen cutubyada xulka ah ee ka hortagga argagixisada, ay ka qeyb qaateen howlgallada oo lagua baaray in ka badan 130 guri dalkaasi oo dhan.
Waxaa howlgallada lagu beegsaday dad la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin dhaqaaqa “Muwaadiniinta Reich” (Reichsbuerger), oo la tuhunsan yahay “Inay sameeyeen diyaargarow xooggan oo ay si rabshad leh ugu geli lahaayeen baarlamanka Jarmalka ayaga oo ah koox yar oo hubeysan”, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dacwad-oogayaasha.
Kuwa la xiray ayaa lagu eedeeyey inay aasaaseen “kooxdan argagixiso ugu dambeyn dhammaadkii November 2021, taasi oo dajisatay hadaf ah afgambinta nidaamka dowladeed ee ka jira ee Jarmalka, kuna beddesho mid nooca ay rabto ah,” ayey yiraahdeen dacwad oogayaasha.
Laba ka mid ah 25-ka qof ayaa lagu xiray dalalka Austria iyo Talyaaniga. Dacwad-oogayaasha magaalada Karlsruhe ayaa sheegay inay aqoonsadeen 27 qof oo dheeri ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin ama taageeraan shabakaddan argagixiso.
Kooxda Reichsbuerger ayaa waxaa ku jira kuwa taageera Naaziyiinta, kuwa hubka aad u jecel iyo shirqooleyaal diidan sharci-ahaanshaha Jamhuuriyadda Jarmalka, iyadoo muddo la isaga indho tirayey inaysan sidaas muhiim u aheyn, ayaa dhaqaaqa Reichsbuerger wuxuu sanadihii dhowaa noqday xagjir, waxaana loo arkaa halis amni oo sii kordheysa.
