Jamhuuriyada Jabuuti ayaa shaacisay inay ayaa Hawada Sare u dirtay Dayax-gacmeedkeedii ugu horeeyay ee dalkaasi yeeshay oo lagu magacaabo 1A.
Dayax-Gacmeedka ayaa waxaa samayntiisa iska kaashaday dalalka Jabuuti iyo Faransiiska, waxaana Jabuuti loo tababarray dalka Faransiiska arrintan u joogay 10 Aqoonyahan oo noqday farsamo-yaqaano.
Wasiirka waxbarashada sare iyo cilmi-baadhista Nabiil Maxamed Axmed, ayaa sheegay in ay ku guuleysteen samaynta Dayax-gacmeedkan iyo weliba inay hawada sare u diraan.
Dayax gameedka DJABOUTI-1A ayaa shaqadiisu noqon doontaa in lagula socdo isbedelka cimilada dalka Jabuuti iyo Geeska Afrika, isagoo dul wareegi doona masaafo dhulka u jirta 530KM.