Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis ababa ku xirtay shaqaale fara badan oo ka tirsan xafiisyada Qaramada Midoobay ee dalkaasi.
Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shaaciyay in 16 ka mid ah shaqaalaheeda lagu xiray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Afhayeen ayaa caddeeyay in lix kale la sii daayay.
Waxa uu intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ay gaarsiiyeen dalab ah in shaqaala dhammaantood ay si deg deg ah u siio deyso. Waxaa la sheegay inaysan ilaa hadda caddeyn sababta loo xiray.
Shaqaalaha la xiray ayaa ahaa dad u dhashay dalka Itoobiya. Bishii hore 7 sarkaal oo sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa la ceyriyay Itoobiya kaddib markii lagu eedeeyay inay faragelin ku sameeyeen arrimaha gudaha Itoobiya.
Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha waxayna dowladda Ityoobiya ku eedeysay in ay caqabad ku tahay in gargaar la gaarsiiyo malaayiin dad ah oo ku nool Gobolka dagaalku ka socdo ee waqooyiga Itoobiya.

