Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalka Alshabaab ku qaaday magaalooyin ka mida Gobolka Bakool iyo degaano ku yaalla gudaha dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Weerarka Al Shabaab oo markii ugu horeysay ay ku galeen gudaha degaano ka tirsan Gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhaliyay khasaaro aad u badan oo ah dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac oo labada dhinac meydad soo bandhigeen.
Sarkaal sare oo katirsan dowladda Itoobiya ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarka Al Shabaab uu dhaliyey khasaaro badan, ujeedka Alshabaabna uu ahaa inay gudaha dowlad Degaanka Soomaalida geeyaan hub iyo dad u soo qora dagaalameyaal, iyo aargoosi sarkaal hore looga dilay.
Mas’uulka Itoobiyaanka ah wuxuu qirtay in ciidamada Booliska ee Liyuu laga dilay 17-askari, dhinaca kalena Alshabaab laga dilay 63 dagaalyahan, isla markaana nolosha lagu qabtay tobanaan kale.
Alshabaab ayaa hore u sheegtay inay dagaalka ku dishay 87 ka tirsan Liyuu Booliska, isla markaana ay qasaare weyn gaarsiiyey ciidamada Itoobiya.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Alshabaab oo watay 16 gadiidka dagaalka ah ay ka lumeen meeshii ay ku socdeen, taasoo keentay in lagu go’doomiyo tuulada Hulhul oo dagaal xoog leh ku qabsaday, qasaare badanna lagu gaarsiiyey.
Qorshaha Alshabaab ayaa muddooyinkan ahaa inay degaanka Soomaalida Itoobiya ku yeeshaan xubno iyo maleeshiyo hubeysan oo halkaasi ka howlgasha, iyadoo qorshahaas markii la fashiliyey ay weerarkan ku qaadeen iyagoo markii ugu horeysay gaaray gudaha degaanka Soomaalida Itoobiya.
