Thursday, March 20, 2025

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Shardi ku xirtay heshiis dhex mara dowladda Soomaaliya [Akhriso]

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shuruud ku xirtay dib u soo celinta xiriirkii xumaaday ee ay lahayd Soomaaliya sida uu shaaciyey Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta  Dr. Anwar Qargash.

Wasiirka oo ah mas’uulka u hadla dowladda Imaaraadka ayasheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay dowladdiisa, wuxuuna intaas raaciyey in si xushmad darro ah ay ula wareegtay lacag dhan 9 Milyan oo dollar ah oo u socday taageerada ciidamada Soomaaliya, iyadoo diblomasiyiinta Imaaraadka lagu xadgudbay Garoonka Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay xarunta Cilmi-Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London, ayuu sheegay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka in dowladda Soomaaliya ay garowsatay khaladkii diblomaasi ee ay kula kacday dowladd Imaaraadka oo ahayd dowlad saaxiib ah oo taageerta Somaaliya, laakiin looga baahan yahay inay raaligelin ka bixiso.

Ad

“Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raaligelin ka bixiso khaladkii ay naga gashay,… waxaa jira dadaallo lagu dhexdhexaadinayo Imaaraadka iyo Soomaaliya…” ayuu yiri Dr. Anwar Qargash oo aan shaacin cidda wada dadaalladaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON