Wednesday, December 4, 2024

Dowladda Imaaraadka Carabta oo dayactir ku sameyneysa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa balanqaaday dhaqaalaha ku baxaya dayactir lagu sameeyo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo xarun u ah ciidamada ka socda dalalka Itoobiya iyo Kenya ee AMISOM ka tirsan.

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya  Maxamed Alcusmani oo shalay tegay magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Axmed Madoobe, iyadoo farriin uu gaarsiiyay madaxda Soomaalida ka sokow soo bandhigay arrinta ku saabsan  qiimeynta garoonka diyaaradaha Kismaayo, kaasoo dayactirkiisa ay qaadatay dowladda Imaaraadka.

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Cabdiqaadir Lugadheere ayaa sheegay wafdiga safiirka inay qiimeyn ku sameeyeen garoonka, waxaana lasoo bandhigay baahida garoonka diyaaradaha ka muuqda. Cabdiqaadir Lugadheere ayaa ka mahad celiyay taageeradda Imaaraadka ee la xariira arrimaha kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Jubbaland.

Ad

Waxaa safiirka wehliyay Injineero qiimeynaya garoonka Kismaayo, waxayna diyaarin doonaan mashruuc dib u dhis ah oo garoonka ka bilaaban doona.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON