Friday, March 28, 2025

Dowladda Federaalka oo Aqoonsi lama filaan ah siiyay Maamulka KMG ah ee Khaatumo

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah oo ay maanta ku dhawaaqday ku aqoonsatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ee dhowaan laga dhisay  magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa arrintan ka shaaciyay Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabduqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye).

Ad

Wasiir Fiqi ayaa warsaxaafadeed uu akhriyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay martiqaad u fidisay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, kadibna  wadatashi dheer ay soo dhoweyneyso Bayaanka Isimmada SSC-Khaatumo soo saareen 6-dii Febraayo ee 2023, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dowladda Federaalka.

- Advertisement -

“Xukumadda Federalka Soomaliya FS waxa ay mar labaad taageereysaa go’aannadii isimada dhaqanka ay shirweynahoodii Laacaanood kasoo saareen lixdii bishii Febraayo ee sanadkan 2023, ayadoona soo dhaweyneyso, isla-markaana la shaqeyneyso maamulka KMG ah ee ay dadka deegaankaas dhisteen” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

- Advertisement -

Bayaanka dowladda Soomaaliya ayaa baaq u dirtay labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo, si loo qaboojiyo xiisadda, kadibna loo sameeyo xabad joojin rasmi ah.

“DFS waxay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ugu baaqeysaa xabad joojin iyo inay sii daayaan maxaabiista ay kala hayaan” ayuu  yiri wasiir Fiqi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON