Dowladda Federaalka Itoobiya aya War-saxaafadeed ka soo saaray dagaalladii dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida oo gacan ka helayay militeriga federaalka Itoobiya.
Warka dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab la gaarsiiyay jab iyo khasaare xooggan, lagana qabtay tiro badan oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab eee weerarka ku gaay gobollada Afdheer iyo Shabeelle.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan.
Dagaalkii ka dhacay gobolka Afdheer, oo ilaa hadda lagu soo warramay in uu si goos goos ah u socdo ayaa isagana lagu dilay Al-Shabaab ay tiradoodu gaarayso 209 xubnood, sida lagu sheegay warkan kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya.
“Al-Shabaab wuxuu damacoodu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda Federaalka Itoobiya.
Ururka Oromo Liberation Front – ee loo yaqaab ‘Shane’ ayaa ah urur Oromo ah oo ka dagaalama degaanada Itoobiya, waxaana lagu eedeeyey inuu laayey dad Amxaaro ah, isagoo qeyb ka ah dhaqdhaqaaqyada Oromada ee ka horjeeda maamulka Abiy Ahmed.
Sowladda Itoobiya ururka ‘SHANE’ u aqoonsan urur argagixiso ah, waxayna hore ugu eedeysan inuu xiriir la leeyahay Jabhadda Tigreega ee TPLF, waxaaba xiriirka dhex maray Alshabaab la ogaaday muddooyinkii ugu danbeeyay.
“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.
Ururka Shene oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada Oromada ayay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.