Friday, March 28, 2025

Dowladda Eritrea oo Mareykanka ku eedeysay inuu taageerayo dagaalka ay wado Jabhadda Tigray

Dowladda Eritrea ayaa eedeyn culus u jeedisay Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inuu taageerayo jabhadda Tigreega ee dagaalka wada.

Wasiirka arimaha dibada ee Ereteriya ayaa sheegay dowladihii Mareykanka isaga danbeeyay ay ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay taageerayeen dhaqdhaqaaqa xoreynta shacabka Tigray. Wuxuuna been abuur ku tilmaamay eedeynta ka dhanka ah Eritrea ee dagaalka hada ka socda waqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigray.

Osman Saleh ayaa warqad uu u diray Golaha Amniga ee UN-ka oo la faafiyey Isniintii, wuxuu ku eedeeyey maamulka Madaxweyne Joe Biden inay “hurinayaan khilaaf hor leh iyo xasilooni darro” iyada oo loo marayo faragalin iyo cabsi gelin gobolka ah. Ujeedada muuqata ee falalkan waa in dib loo soo nooleeyo haraadiga taliska TPLF, ayuuna ku yiri qoraalkiisa.

Ad

Warqadda Saleh kuma xusin ciidamada Ereteriya ee ku sugan Tigreega, inkasta oo baaqyada caalamiga ah loogu yeeray inay ka baxaan Itoobiya.

Kooxda TPLF ayaa hogaaminaysay isbahaysigii xukumayay Itoobiya mudo ku dhaw soddon sano ah ilaa uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu xukunka la wareegay 2018. Abiy ayaa dagaal ku qaaday Gobolka Tigray,wuxuuna u adeegsaday Eritrea.

Kumanaan qof ayaa lagu lagu diley dagaalka tigray, iyadoo ay ka qaxeen dadkii ugu badnaa. Ciidamada dowlada ayaa hada gacansaar la leh askar ka socota dalka dariska la ah ee Eritrea, kuwaas oo lagu eedeeyo gaboodfallo badan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON