Dowladda Ertirea ayaa cambaareysay war kasoo baxay dowladda Canada oo ka dhan ahaa Boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ku tilmaantay mid mas’uulyad darro iyo daandaansi ahaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Eriteria ayaa lagu sheegay in dowladda Eritrea aya cambaareyneyso bayaankii mas’uuliyadda darraddam daandaansiga iyo gefka ahaa ee kasoo baxay dowladda Canada ee looga horjeeday Sacuudiga.
Dowladda Eritrea waxay ugu baaqday Dowladda Sacuudiga inay tallaabada ku haboon ka qaadato arrintasi qaranimadeeda iyo dhowrista sharciga caalamiga ah dartood.
Arrintan ayaa timid kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubeyr uu socdaal ku tegay magaalda Asmara ee dalka Eritrea, isagoo kulan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.