Saturday, April 19, 2025

Dowladaha Soomaliya iyo Kenya oo dib usoo celiyey xiriirkii Ganacsiga, Maalgashiga iyo Amniga (Akhriso)

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan ku yeeshay Aqalka madaxtooyada ee magaalada Mombasa, waxayna labada hoggaamiye ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in si labada dal ay horumar u gaaraan, Madaxweyne Kenyatta, oo hoggaaminayay wafdiga Kenya ee wadahadalada labada dhinac, uu sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado dhinacyada: Amniga, Ganacsiga iyo maalgashiga iyadoo si buuxda loo hirgelinayo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga 2015 (JCC).

“Barwaaqada dadkeennu waa furaha. Aan u furno bog cusub dadkeenna annagoo dhiirri-gelinayna dadka iyo is-dhexgalka, ”ayuu yiri Madaxweynaha Kenua Uhuru Kenyatta.

Ad

Uhuru ayaa soo dhoweeyay soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay “In si saaxiibtinimo ah loo xalliyo muranka soohdinta Badda”.

“Nabad la’aan, ma jiri karto barwaaqo. Aynu xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka si loo oggolaado is-dhexgalka dadka iyo dadka ” ayuu Madaxweynaha Kenya yiri, sida lagu qoray war-saxaafadeedka Madaxtooyada Kenya.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay wax laga xumaado ahayd xiriirka sii xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay inay ahayd khalad in labada ummad ay meel iska dhigaan aragtidii is-kaashifa ee ay lahaayeen aabayaashii aasaasay labada dal.

- Advertisement -

Wuxuu qiray inuu xiriir taariikhi ah ee ka dhexeeyo Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in saaxiibtinimadu ay ku dhisan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasilooni iyo is ixtiraam”.

“Maanta waa bilowgii xiriir xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda ”ayuu yiri RW Rooble oo laga tarjumayey.

“Waxaan raadin doonnaa fursado horseeda xasillooni waarta iyo wada-noolaansho nabdoon oo ku dhisan is-ixtiraam iyo iskaashi dhab ah annaga oo ka fogaaneyna wax kasta oo dhaawici kara xiriirkaas,” ayuu intaas ku daray Ra’iisal wasaare Rooble.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagy yiri: “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.”

- Advertisement -

“Eng. Rooble wuxuu xusay in booqashadiisa ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON