Wednesday, October 16, 2024

Dowladaha Soomaaliya, Mareykanka iyo Masar oo ku lug yeeshay heshiiska Saldhiga Berbera ee Imaaraadka

Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen  in heshiiska dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhigga milateri ku yeelaneyso magaalada Bebera ee maamulka Somaliland.

Dhaxal-sugaha Abuu-Dhabi ahna ku-xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Imaaraadka Maxamed Bin Za’id Al-nahyaan ayaa laga soo xigtay warkan oo qoreen wargeysyada dalka Masar.

Maxamed Bin Zaa’id waxaa uu intaa raaciyay in heshiiskan ay la galeen Soomaalida iyo Masar ay wada hadal dheer kala galeen dalalka Mareykanka, Masar iyo Soomaaliya.

Ad

Sida uu qoray wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Masar, dekaddan waxaa la filayaa sida uu sheegay in ay wax badan ku soo kordhiso isku socodka ganacsiga caalamiga iyo in sidoo kale fulinta mashruucan in uu xoojiyo ammaanka marinka Baab-Al-mandab oo weliba si fudud halkaasi looga sameeyo saldhigyo militari.

Dhammaadkii sanadkii hore ayey Imaaraadka heshiis la galeen maamulka Somaliland, waxaa sidoo kale heshiiska meel-mariyay baarlamaanka maamulkaas, laakiin dowladda Soomaaliya ayaan weli war cad kasoo saarin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON