Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah, kadib socdaal uu magaalada Qaahir ku tegay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.
Heshiisyada labada dal si rasmi ah u kala saxiixdeen ayaa ku saabsan Waxbarashada, Warfaafinta, Diinta, Awqaafta iyo Dhaqanka, iyadoo ay saxiixeen wasiirada labada xukuumadood ee kala ah: Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare iyo Wasiirka Warfaafinta.
Saxiixa heshiisyadii ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaareyaasha Somaliya Xamsa Cabdi Barre iyo Masar Mostafa Madbouly.
Labada ra’iisul wasaare ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.
