Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis ababa ku kala saxiixday heshiis cusub oo milateri, kaasoo lagu cusbooneysiiyay is-afgarad iskaashi milateri ah oo labada dal hore uga dhaxeeyay.
Labada Wasiir ee Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Difaaca Itoobiya Abraham Belay ayaa kala saxiixday heshiiska Milateri ee labada dal oo la sheegay in lagu dardargeliyo iskaashiga difaaca ee labada dal, kaasoo lagu cusbooneysiiyay is-afgaradkii difaaca (MoU) ee labada dowladood kala saxiixdeen bishii February, 2014.
Heshiiskan cuusb ayaa sii xoojinaya iskaashiga iyo xoojinta nabadda iyo ammaanka labada dal, isagoo abuurayaa dhismaha Guddiyo Difaac oo wadajir ah, si ay u fududeeyaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah.
Qodobadda heshiiska ayaan wax faahfaahin laga bixin, balse waxaa Soomaaliya ku sugan muddo dheer kumanaan Milateriga Itoobiya oo aan ka mid ahayn Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.