Dowladaha carabta ee saameynta ku leh Soomaaliya ayaa farriimo hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maalin kadib markii xilka mar kale loo doortay.
Sida ay shaacisay wakaalada wararka dalka Qatar Amiirka dalkaasi Hamad Bin Khalifa Althani iyo ku xigeenkiisa ay hambalyo u direen madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo u diray walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo ku aadan doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee aan walaalaha nahay ee Soomaaliya, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar xiriirka labada dal” ayaa lagu yiri Warka ay baahisay wakaalada Wararka Qatar.
Dhinaca kale Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka, Ra’iisul Wasaaraha iyo xaakimka Dubai,Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa sidoo kale fariin taas la mid ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .
Sida ay faafisay Wasaaradda Arrimaha dibada Sacuudiga Boqorka Sacuudiga iyo dhaxal-sugaha ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugaha Maxamed Bin Salman ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya u rajeeyay guul madaxweynaha cusub iyo Soomaaliya.