Dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca difaaca iyo milateriga ah oo ay iska kaashan doonaan labada dal.
Heshiiska oo ah is-faham ay labada dowladood ku xoojinayaan xiriirkooda dhinaca milateriga ayaa waxaa u kala saxiixay wasiirka difaaca ItoobiyaLemma Megersa iyo Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Ahmed AlBowardi.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay Bandhigga 16-aad ee diyaaradaha oo ka socda magaalada Dubai ee dalka dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay wasiirka difaaca Itoobiya in xiriirka milateri ee Itoobiya iyo Imaaraadka la sii xoojinayo, una adeegi doono danaha labada dal.
Sida ay shaacisay wakaalada Wararka Imaaraadka heshiiskan ayaa qeyb ka ah dadaal uu Imaaraadku ugu jiro xoojinta xiriirka milateri dalalka Gobolka iyo caalamka.
Imaaraadka ayaa hore ugu deeqay lacag fara badan dowladda Itoobiya, isagoo siiyey lacag dhan 3 Bilyan oo Doolar oo ka caawisey dalkaasi xaalad dhaqaale darro ah oo heysatay markii uu talada qabtay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.