Dowladda Turkiga ayaa codkeeda ku biirisay dalalka iyo uurrrada caalamiga ah ee sida weyn uga welwelsan xaaladda Soomaaliya iyo heshiis la’aanta Doorashada.
War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin inaan heshiis oo dhan yahay laga gaarin doorashada, taasina ay keeni karto inay carqalad ku keento rajadii ay dadka Soomaaliyeed ka qabeen horumarka dalkooda.
“Waxaan ka walaacsannahay in dhinacyadu weli aysan gaarin heshiis wadar ogol ah ooku hanaanka doorashada Soomaaliya, taasoo caqabad ku noqon karta rajada dadka Soomaaliyeed ka qabeen horumar, nabad iyo barwaaqo uu gaaro dalkooda” ayaa lagu yiri qoralka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibadda Turkiga.
Qoraalka dowladda Turkiga ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Waxaan mar kale ku boorineynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada inay shir isuu yimaadeen oo xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17-kii September 2020, Waxaan adkeyneynaa in la qabto Doorashada si dib u dhac laheyn”.
Turkigu Wuxuu sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo shacabka walaalaha ah Turkiga iyo dowladda saaxiibkaa ah ee Soomaaliya.
