Wednesday, February 19, 2025

Dowlada Somaliya oo baahisay Magacyada iyo Meydadka horjoogayaal laga dilay Alshabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada horjoogeyaal ka tirsan Alshabaab oo  lagu laayay hawlgalladii ugu dambeeyay iyo duqeyntii ka dhacday Awdheegle, Sh/hoose iyo Galmudug. 

Horjoogeyaasha la dilay oo Hay’adda NISA ay baahisay muuqaallada meydadkooda ayaa kala ah:-

Ad

1. Horjooge Sheekh Cabdullaahi oo ahaa madixii maleeshiyaadka loogu talagalay in ay dadka ku dhibaateeyaan deegaanka Number 50 ilaa iyo deegaanka Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.2. Horjooge Cali Timajilic waxa uu ahaa horjoogaha Caafimaadka ee Maleeshiyaadka Alshabab qeybta Jaylaani oo ka hawlgasha Gobalka Shabeellaha Hoose, Ninkan waxa uu ku biiray 2012-kii, wixii ka dambeeyay 2017-kii ilaa iyo markii la khaarijiyay waxa uu ka hawlgalayay Shabeellaha Hoose. Waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

3. Horjooge Bashiir Dheere waxa uu ahaa horjoogaha Alshabaab ka hawlgasha aagga Buula-mareer waxa uuna si gaar ah u hogaaminayay Maleeshiyaadka ay ugu yeeraan qaybta Macalin Salaxay, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

- Advertisement -

4. Horjooge Cabdiqafaar oo loo yaqaano macalin Nadaara waxaa uu Alshabab ku biiray 2009 waxa uu qayb ka soo ahaa Jamhadaha Muqdisho gaar ahaan qaybta dilalka, ka dib waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus ee weerarada qaada, hadda waxa uu ahaa Horjooge xagga marin habaabinta u qaabilsanaa khawaarijta ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.5. Horjooge Shaaciye Maxamed Cali oo loogu yeeri jiray Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo ka hawlgala gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

6. Sakariye Maxamed Bashiir oo loo yaqaanay cadnaan ama Sandheere, 2011-kii ayuu Alshabab uga biiray Muqdisho waxa uu inta badan kasoo shaqeyay qaybta ay ugu yeeraan jugta culus, jagooyinka uu soo qabtay Horjoogahan waxaa ka mid ah waxa ay ugu yeeraan khanaasinta, sidoo kale waxa uu soo noqday Horjoogaha Diiwaanka Jugta culus ee Gobalka Shabeellaha Hoose, haddana waxa uu ahaa ku xigeenka horjoogaha qaraxyada Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.

- Advertisement -

7. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, waa nin muddo dheer ku soo jiray Alshabaab hawlo kala duwanna ka soo qabtay laakiin hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada si ay Khawaarijtu u helaan dhallinyaro kale oo ay dabka ku shubaan, waxaana lagu dilay horjoogahan hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON