Saturday, October 12, 2024

Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya oo Gaadiid iyo Sahay ugu deeqday Gobolka Hiiraan

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa maanta dowlad degaanka Soomaaliya Itoobiya ka gudoomiyey deeq isugu jirta gaaidid iyo Sahay loogu talogalay in lagu taageero dagaalka ay dadka Gobolka Hiiraan kula jiraan Alshabaab.

Deeqda Xukuumada Dawlada Deegaanka Somaalida ayaa ka kooban Laba Gaari iyo kuwa gargaarka degdega ah, Shidaal iyo Raashin, iyadoo DDS ay sheegeen inay ku garab istaagayaan Walaalaha ku dhaqan Gobolka Hiiraan ee dagaalka kula jira cadawga Argagixisada Al-shabaab.

Munaasabadda taageerada lagu wareejiyey ayaa ka dhacday degmada Feerfeer, waxaana halkaas kulan ku yeeshay masuuliyiin ka socotay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON