Doorashadii madaxweynaha Fransiiska ayaa natiijadeedii la shaaciyay goor dhow, iyadoo uu ku guuleystay Emmanuel Macron.
Natiijada cod bixintii maanta ayaa muujjisay inuu musharaxa midigta fog ee Emmanuel Macron uu ku guuleystay madaxweynenimada dalka Faransiiska isagoo helay codad gaaraya 65%.
Haweeneydii la tartameysay ee Marine Le Pen ayaa u hambalyeysay madaxweynaha la doortay, waxaana Emmanuel Macron uu taageerayaashiisa kula hadlayaa xarunta doorashada magaalada Paris oo kumanaan ay isugu soo baxeen.
Emmanuel Macron waa 39, sano jir madax ka ahaa xisbiga En Marche, waxayna doorashadan ahayd mid aan la fileyn, kadib markii ay meesha ka baxeen musharixiinta xisbiyada talada Faransiiska hogaamin jiray.
Goobjooge.com