Monday, February 17, 2025

Doorasho ‘Qof iyo Cod’ noocee ah ayaa ka dhaceysa 3 Degmo oo ka tirsan Maamulka Puntland..?

Xaqiiqada Doorashada ka socota saddexda degmo ee ka tirsan Maamulka Puntland “QOF IYO COD’

Waxaa saddex degmo oo ka mida maamulka Puntland maanta ka dhacaya Doorasho toos ah oo dadweynaha degmooyinkaasi kusoo dooranayaan Xubnaha Golayaasha Wakiilada degmada.

Doorashada oo ah tii ugu horeysay ee degaanada Puntland ka dhacda, ayaa waxaa 8 urur Siyaasadeed ee ka jira Puntland. Doorashada ayaa wejigeeda hore ku kooban saddexda degmo ee Qardho iyo Ufeyn oo ka tirsan Gobolka Bari iyo Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal. (Waxaa xusid mudan in Puntland iyo Somaliland ay sameeyeen Gobollo cusub iyo degmooyin badan sameysay oo aan ahayn intii la ogaa 1991).

Ad

Goobaha codeyntu ka dhaceyso ayaa gaaraya 54 goobood, tirada musharixiinta ku tartamaya Golayaasha saddexda degmo ayaa gaaraya 449 musharax. Dadweyne tiro badan ayaa isugu soo baxay goobaha codeynta, iyagoo safaf dhaadheer u galay inay codkooda dhiibtaan.

Dadka saddexda degmo laga diiwaan geliyey ee la siiyey kaararka codeynta ayaa gaaraya 37,578 qof, waxaana natiijada codeynta lagu wadaa inay soo baxdo maalmo gudahood.

Doorashada dadku ay sida tooska u doortaan Golayaasha degaanka, xildhibaannada Dowladda iyo madaxweynaha waxay dadku si toos ah ugu codeeyaan qofka ay doonayaan iyo xisbigiisa, waxaaana doorashadaasi ay tahay mid toos ah ama ‘Qof iyo cod’.

- Advertisement -

Doorashada Puntland ee maanta dhaceysa oo ah tallaabo weyn oo hore loo qaaday waxay ku kooban tahay saddex degmo, waxaana lagu dooranayaa Golayaasha degaannada saddexda degmo ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl, waana mid bilow ah oo haddii lagu guuleysto u baahan in la wada gaarsiiyo Degmooyinka ku Dowladda Soomaaliya 20-ka ee Puntland, kadibna la qabto Doorashooyinka guud ee madaxda maamulkaasi lagu dooran lahaa Baarlamaanka iyo madaxweynaha, waana safar dheer oo si qurux badan ugu bilowday Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON