Doorashada Kursiga HOP058 oo marar badan dib u dha ku yimid ayaa lagu wadaa inay goor dhow ka bilaabato magaalada Beledweyne.
Doorashadan ayaa shalay u hakatay kadib khilaaf ka dhashay qeybsiga qaar ka mida ergada kursiga oo jufadii loo qoondeeyay ay isku afgaran waateen, waxaana arrintaasi la xaliyey xalay, iyadoo sidoo kale la bixiyey digniino Amni iyo cabsida weerarro dhici kara.
Doorashada Kursiga HOP058 ayaa hadda ka bilaabaneysa magaalada Beledweyne, waxaana ku tartamaya 7 musharax, waana kursi xiiso gaara leh oo si weyn loogu hardamayo.
Dhinaca kale saaka ayaa xarunta madaxtooyada iyo maamulka Gobolka Hiiraan ee Lama-galaay waxaa lag arkay maleeshiyo beeleed hubeysan, kuwaasoa xirtay afaafka hore ee xaruntaasi, iyagoo ka gadoodsan kursiga beeshooda oo la sheegay in loo xirayo haweeney hore ugu fadhiday.
Maleeshiyada gadoodsan kursiga Beeshooda ee HOP058, kaasoo ay hore ugu fadhisay Samiiro Xasan Cabdulle, xaaska guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad, taasoo dooneysa inay mar labaad kusoo laabato, loona xiro. Waxaana arrintan dhex galay odayaasha iyo maamulka oo waanwaan ka gala.