Friday, May 23, 2025

Doorasho aan lagu tartamin oo ka socota Garowe iyo Musharixiin loo tanaasulay oo kusoo baxay (Akhriso)

Waxaa magaalada Garowe ka socota doorashada Senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay isu bedeshay doorasho aan lagu tartamin oo mushariixintii kuraasta loo xiray ay u tanaasulayaan xubnihii lagula qoray.

Baarlamaanka Puntland ayaa saaka bilaabay doorashada xubnaha Aqalka Sare oo 11 kursi laga soo doorto maamulkaasi, waxaana dhacday in musharixiintii lagula qoray xubnaha la sii ogaa inay kusoo baxayaan ay dadka ka hor sheegeen inay tanasuleen.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa mar kale kusoo baxay Senator Aqalka Sare, kadib markii uu helay 54 cod, Halka musharaxii la tartamay ee Maxamed Cismaan Colaad uu ka helay 11 Cod.

Ad

Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa kusoo baxa Senatoorada Puntland, wuxuuna helay 65 Cod. Kowsar Cabdulaahi Xirsi oo aheyd Gabadhii Kursiga kula qorneyd Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) ayaa shaacisay inay tanaasushay.

Kursigii saddexaad waxaa kusoo baxay Wasiirka Dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Majiino, kadib markii cod gacan-taag ah loogu qaaday inuu noqdo Senator Aqalka-sare, taasoo ka dambeysay markii uu tartanka ka haray, kana tanaasuley musharraxii lagula qoray kursiga ee Maxamed Geeddi.

Kursigii Afraad ayaa isna ku dhammaaday gacantaag uu kusoo baxay Senatoor ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo ahaa wasiirka Warfaafinta Puntland, kadib markii uu u tanaasuley mushraxii la tartamayey ee Cabdullaahi Xaashi.

- Advertisement -

Kursigii Shanaad ayaa sidoo kale waxaa gacantaag kusoo baxay C/samad Yuusuf Maxamed Abwaan (Guddoomiyihii Gobolka Bari) oo helay codad dhan 64 cod oo dhammaan xildhibaannadii fadhiga joogay, oo noqday Senatoorkii shanaad ee maanta kusoo baxa doorashada Baarlamaanka Puntland, waxaana tartanka isaga haray musharixii lagu qoray ee Ismaaciil Mire Muumin.

Kursiga Lixaad waxaa gacantaag ku helay Daahir Ayaanle Siciid oo helay codadkii xildhibaannada Puntland ee 64-ka cod, waxaana tartanka isaga haray Maxamed Cumar Maxamed.

Kursiga 7-aad, waxaa gacantaag kale kusoo baxay Farxaan Cali Xuseen oo hore kursigan ugu fadhiyay iyo Hodon Isaaq Maxamed, laakiin Hodon ayaa Baarlamaanka u sheegtay inay ka baxday tartanka oo ay ku wareejisay Farxaan Cali, sidaasina cod gacantaag ah loogu qaaday, waxaana kusoo baxay oo mar labaad Senator noqday Farxaan Cali Xuseen.

Kursiga 8-aad ee Aqalka Sare, degaanada Puntalnd waxaa kusoo baxay Wasiir Ku-xigrenka Deegaanka iyo Beeraha Puntland, Saynab Ismaaciil (Tiimbiye), kaddib markii ay u tanaasushey, tartankana uga hartay musharax Aamina Jaamac Ibraahim.

- Advertisement -

Kursiga 9-aad: Waxaa codeyn gacantaag kusoo baxday Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad,oo loo soo xulay Senator ka tirsan Aqalka-Sare ee Baarlamaanka Federaalka, kaddib markii ay u tabaasushey musharax kursiga lagula qoray ee Naciima Axmed.

Kursiga 10-aad: Waxaa kusoo baxay Cabdiqani Geelle Maxamed oo tartan la galay musharax C/qaadir Maxamed Yuusuf, wuxuuna helay Codad Gaaraya 52, halka Cabduqaadir Maxamed Yuusuf uu helay 12 Cod.

Kursiga 11-aad: Sareedo Maxamed Xasan ayaa cod hacan-taag ah kusoo baxday inay noqoto Senator ka tirsan Aqalka-Sare, kadib markii ay u tanaasushey musharrax Fartuun Yuusuf oo la tartami lahayd.

Doorashada Aqalka sare ee maanta 11-ka Ogost 2021 ka dhacday magaalada Garowe waxaa cod qarsoodi ah loo qaaday Musharixiinta Senator Faroole iyo Wasiiru-dowlaha Kalliimeysiga Puntland Cabdiqani Geelle oo keliya, halka halka 9-ka senator ee kale ay tartan la’aan iyo tanaasul kusoo baxeen.

Magacyada Senatooeada Puntland ee kusoo baxay Aqalka sare:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab

3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)

4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)

5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).

6- Daahir Ayaanle Siciid

7- Farxaan Cali Xuseen

8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)

9- Cabdiqani Geelle Maxamed

10 -Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad

11- Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON