Waxaa saaka dalka Turkiga looga dareeray doorashadii Madaxtinimo iyo Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Turkiye, iyadoo Doorashadan ay tahay tii ugu adkeyd ee dalkaasi ka dhaceysa.
Xilka Madaxweynaha Turkiye waxaa si adag ugu loolamaya Madaxweynaha talada haya Recep Tayyip Erdogan iyo Musharaxa ay ku midoobeen Xisbiyada Mucaaradka ee Kemal Kılıcdaroglu.
Saadaasha laga bixiyey natiijada Doorashada ayaa muujineysa in si weyn ay isugu dhow yihiin labad musharax, wuxuuna Madaxweyne Erdogan wajahayaa tartankii ugu adkaa muddo 20 sano ah oo talada dalkaasi uu hayay.
Xogta ya ururiyeen xisbiyada ayaa sheegeysa in nariijada wareega koowaad ee Doorashada Madaxweynaha aan lagu kala bixi doonin ee wareeg labaad loo baahan doono, kaasoo dhici doona 28 May 2023.
Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kilicdaroglu waxay kasoo kala jeedaan laba dhinac oo aad u kala fog, waxayna ololahooda doorashada kusoo gabagabeeyen laba meel oo laga fahmi karo afkaartooda. Madaxweyne Erdogan ayaa ololaha kusoo dhammeeyay Masjidka Aya Sofia, isagoo aayado qur’aan ka akhriyey, halka musharaxa Kemal Kilicdaroglu uu ubax dhigay Qabriga Mustafa Kamal Atatork oo ah aasaasihii Turkiga cilmiyaaniga ah.
Madaxweyne Erdogan oo muddo 20 sano ah Turkiga soo hoggaaminayay, soona qabtay xilalka Ra’iisal wasaare iyo Madaxweyne ayaa ku ololeynaya horumarka uu dalkiisa ka gaarsiiyay warshadeynta, siiba Difaaca, Shidaal soo saarista iyo awoodda iyo horumarka Turkiga.
Balse musharax mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa awoodda saaraya Dhaqaalaha, sida Nolosha qaaliga ah, sicir bararka oo dowladda hadda jirta ay ku liidatay.
60-ka Milyan ee dadka Turkiga codeynaya ayaa iska leh go’aanka ugu danbeeya ee doorashada Madaxweynaha cusub, waxaana natiijada ugu horeysa la sugayaa caawa iyo wixii ka dambeeya.