Doorashada Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa markii labaad dib u dhac ku yimid, kadib markii Guddiga Doorashada dalkaasi, iyadoo aan waqti kale loo qaban.
Madaxa guddiga doorashada dalka Ethiopia ayaa maanta shaacisay inaysan suuragal ahayn in la qabto Doorashada Baarlamaanka ee qorsheysneyd inay dhacdo 5-ta June 2021, arrintaas oo sabab looga digay arrimo farsamo..
“Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June … ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada,” ayey tiri Birtukan Mideksa oo ah guddoomiyaha Guddiga Doorashada dalka Itoobiya.
Dib u dhaca Doorashada ayaa sabab looga dhigay arrimo farsamo sida: dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, tababaridda shaqaalaha doorashooyinka, daabacaadda iyo qeybinta waraaqaha codbixinta iyo arrimo kale.
“Dhabtii, waxa ay noqotay wax aan macquul aheyn in dhammaantood lagu soo gudbiyo taariikhaha markii hore loo cayyimay.” Mideksa ayaa sheegtay in marka la qorsheynayo taarikhda cusub maanka lagu heyn doono xilli roobaadka – oo soconaya bilaha June ilaa September.
Iyadoo toddobaadyo ay ka harsan tahay doorashada ayaa waxaa jiray astaamo yar oo olole ah, waxaana dhowr xisbi oo mucaarad ah ay qorsheynayeen in ay qaadacaan codbixinta, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo sinneyn.
Doorashooyinka Itoobiya ayaa markii hore qorsheysnaa bishii August ee sanadkii hore 2020, waxaana dib loogu dhigay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus, iyadoo dhibaatadii ka dhalatay ay sababtay dagaalka ay ciidamada dowladda Itoobiya ku qaaday gobolka Tigray.
Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa kolkii uu talada qabtay saddex sano ka hor waxa uu ballan qaaday in uu dalka ka saarayo hannaankii xukun ku dheganaanta ahaa, islamarkaana uu qaban doono doorashadii ugu dimoqraadiyadda badnayd ee abid soo marta dalkaasi.
