Sunday, February 16, 2025

Doorashada Puntland oo Cakiran iyo Xaalad kasoo wajahday bixitaanka Khaatumo

Xaaladda Puntland ayaa cakiran, kadib markii Isimada degaanada Puntland ay soo saareen go’aan ay uga baxeen ka mid ahaanshaha maamulkaasi, isla markaasina ay caddeeyeen inaysan qeyb ka ahayn Doorashada Puntland ee Janaayo 2024.

Go’aankan ayaa keenay inay hubanti la’aan ku timaado dhismaha dowlad Goboleedka Puntland iyo awood qeybsiga Beelaha, iyadoo aan la ogeyn sida lagu geli doono doorashada soo socota.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamada-sare ee Puntland, Axmed. Sh Cumar Xasan ayaa qoraal ii shaksi ahaan usoo saaray ku sheegey in go’aanka Isimmada SSC-Khaatumo uu yahay sharci darro. baalmarsan habraaca heshiisyada iyo ka bixistooda.

Ad

Dhinaca kale Musharixiinta Madaxweynaha ee Puntland ayaa si taxadar leh u soo dhoweeyay go’aanka Khaatumo uga baxday Doorashada iyo ka mid ahaanshaha Puntland, balse waxay soo jeediyeen

Dhinaca kale Musharixiinta Madaxweynaha ee Puntland ayaa si taxadar leh u soo dhoweeyay go’aanka Khaatumo uga baxday Doorashada iyo ka mid ahaanshaha Puntland, balse waxay soo jeediyeen in la helo heshiis kala-guur ah, si SSC-Khaatumo uga baxdo Puntland.

Waxay kaloo musharixiinta dalbadeen inaan la soo xulin xildhibaannada SSC ka hor 31 December, inta laga heleyo heshiis loo dhan yahay oo arrintan laga gaaro.

- Advertisement -

Arrimahan oo dhan waxay imaanayaan iyadoo Doorashada Puntland ay ka harsan tahay laba toddobaad oo qura, isla markaana ay xubno ka socda Beesha Dhul-bahante ka mid yihiin Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada ee Madaxweyne Deni magacaabay.

Madaxweyne Deni oo hore ugu eedeysnaa inuu Puntland geliyay qalalaase nabadgelyo iyo mid siyaasadeed, xilli degdeg ahna ka baxay Doorashadii uu dadaalka badan geliyay, ayaa haddana wajahaya eedo ah inuu isagu soo xulanayo Xildhibaanno dib u doorta.

Arrinta Khaatumo ayaa iyaduna ah culeys weyn oo hoos u dhigi kara maqaamkii dowlad Goboleed ee Hooyada Federaalka ‘Puntland’ oo hadda wajaheysa hubanti la’aan masiiri ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON