Doorashada kursigii xildhibaan ee Golaha Shacabka ee HOP086 ayaa Berri oo Sabti ah, 25-ka Febraayo 2023 ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo wareejiyay degaankiisii magaalada Beledweyne.
Kursigan oo hore looga xayiray Agaasimihii hore ee NISA oo kusoo baxay, ayaa sanad ku dhowaad kadib, mar kale lagu qabanayaa, caasimadda iyadoo khilaaf weyn uu hareeyay, waxaana soo shaac baxday in loo xiray Musharax taageero ka heysta dowladda Madaxweyne Xasan Shekeh.
Guddiga Doorashada qabanaya oo ah mid KMG ah oo uu magacaabay Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo gabagabeeyay howshii ugu danbeysay ee Doorashada, iyagoo shahaado siiyay laba musharax oo kaliya, waxaana in tartanka laga reebay shaacinta 5 musharax oo qeylo dhaan kasoo saaray hannaanka doorashada.
Musharaxa la sheegay in kursigan loo xiray Dr. Maxamed Sheekh Axmed oo taageero ka heysta wasiirka Waxbarashada Faarax C/qaadir iyo madaxda dowladda, ayaa waxaa kaliya la tartamaya hal musharax oo kale.
Dooda ugu weyn ee lagu difaacayo in kursigan laga dhigi waayo mid furan ayaa ah in Beesha leh kursiga ee Reer Aw-xasan ay u qoondeysay Jufo gaara oo aan hore u helin xilalka dowladda, waxayna arrintan caddeyn u tahay in lagu socdo dariiqii kuraas xirashada iyo awoodda dowladda loo adeegsado soo saarista xildhibaannada.
