Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee xukuumadda ay magacawaday ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo doorashada kursigii xildhibaan ee uu banneeyay Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Bare.
Kursigan oo tirsigiisu yahay Hop#203 ayaa doorashadiisa ka dhaceysaa magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland, waxaana Guddiga KMG ee doorashooyinka uu shaaciyay jadwalka Doorashada kursiga.
Doorashada kursiga oo deegaan doorashadiisu tahay Kismaayo ayaa dhici doonta 15-ka bishan Febraayo 2023, waxaana Xamsa Cabdi Barre loo doortay 28 Disembar 2021.


Warar Xul ah