Saturday, January 25, 2025

Doorashada Kursigii laga xayiray Fahad Yaasiin oo Muqdisho loo wareejiyay iyo Qeylodhaan…

Guddiga Doorashada KMG ah ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Doorashada Kursiga HOP086 u wareejiyey in lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo degaan doorashadiisa ay ahayd magaalada Beledweyne.

Qoraal uu soo saaray Guddiga KMG ah ee xukuumadda u saaray buuxinta kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Doorashada Kursiga oo hore looga xayiray Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ee HOP086 lagu qabanayo caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa arintan qeylo dhaan kasoo saaray shan ka mida Musharixiinta u taagan kursigan oo caddeeyay in si sharci darro ah kursigaasi looga soo wareejiyay magaalada Beledweyne, waxayna dalbadeen in dib loogu celiyo Hirshabeelle.

Ad

Shir jaraa’id oo ay mar kale maante gelinki danbe qabteen shanta Musharax ee kursigan u taagan ayaa caddeeyay in laga reebay tartanka doorashada, loona diiday xarunta Guddiga Doorashooyinka KMG ah, taasoo muujineysa sida ay sheegeen in kursiga la boobay.

Guddiga KMG ah ee Doorashada ayaa isla maanta shaaciyay odayaasha soo xulaya ergada Kursiga Beesha Reer Aw-xasan, iyadoo uu ku socdo doorashadiisa ay dhaceyso iyadoo dood culus ka taagan tahay.

Waxay Guddiga wadaan qabanqaabada doorasho hal dhinac ah oo ay sheegeen inay Muqdisho ka dhici doonto 25-ka bishan, iyadoo loo wado musharaxa uu wato Wasiirka Waxbarashada oo kursigaasi hore ugu fadhiyay.

- Advertisement -

Dowladda Xasan Sheekh iyo Wasiirka Waxbarashada Faarax C/qaadir ayaa kursigaas qorsheeyay inuu kusoo baxo musharax ay wataan oo ah ninka lagu magacaabo Dr. Maxamed Shekh Axmed.

Hore waxaa qoraal u soo saara Odayaasha Guddiga Dhaqanka ee Reer Ow-Xasan oo cabasho ka muujiyey kursiga Beesha ee HOP086, waxayna dalbadeen in loo madax banneeyo Beesha leh kursiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON