Doorashada Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa laga wareejiyay xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanku ku shiro, waxaana lagu qaan doonaa Teendhada Afisyoone ee xarunta Xalane oo ay amnigeeda ilaaliyaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay soo idlaatay inta badan shaqadii doorashada, isla markaan arrimo badan oo jira darteed Doorashada loo wareejiyey Afisyoone.
Wuxuu intaas ku daray in dhammaan musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharraxnimo jeediyeen ayna hadda qabanqaabinayaan Doorashad oo dhici doonta 27-ka bishan April 2022.
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar ayaa shaaciyey in Guddigooda ay isla qaateen inay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa looa bedelo Hoolka Teendhada Afisiyone.
Go’aankan auu sheegay inay u qaateen sababo la xiriira in munaasabadda doorashada oo la ballaaran iyo arrimo kale oo amniga ka mid yahay.