Wararka laga helayo magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Doon ay la socdeen ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya ay ku degtay duleedka magaaladaasi xilli ay isaga socdaalayeen magaalooyinka Muqidsho iyo Marko.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegayey in ilaa 3 askari oo ka tirsan guutada 14-ka October ee ciidamada Xoogga dalka lagu waayey Doonta ku degtay meel u dhow xeebta degaanja Cadcaddeey ee magaalada Marko, waxaana la sheegay in doonta oo ciidamo gaaraya 17 askari iyo hub fara badan uu saarnaa ay qalibantay
Doonta degtay ayaa la sheegay inay la socdeen horin ka mida ciidamada 14-ka Oktoobar oo uu ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka 14ka October Cismaan Muuse, waxaana ay ka baxeen magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeday Magaalada Marko.
Ciidamada dowladda ayaa adeegsada Doonyo dhinaca badda ay ku tagaan magaalada Marko, kadib markii jidka loo maro magaalada uu noqday halis ay qaraxyo ku aasaan, waxayna magaalada Marko tahay magaalo go’doon furan ugu jirta Alshabaab.